Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Uganda Oo Waxka Qoray Dullucda Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Jabuuti!
September 5, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa ka faalooday Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Jabuuti.
Siday baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Warbixinta Wargeyska East African Business Week, oo ciwaankiisu ahaa “Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku tagay Jabuuti si uu kor ugu qaado cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada Waddan.”