War Deg Deg Dab Xoogan Oo Kacay Dekeda Berbera Iyo Wiish kamid Kuwii Dhawaan Loo Keenay Dekeda Ee Qaaliga Ahaa Oo Shuf Beelay
September 5, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Dab Xoogan oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay gudaha mid kamida wiishaantii dhawaan loo soo iibiyay Dekeda Berbera ayaa ka kacay dekeda Berbera iyada oo holoca iyo qiiq dabkaas dhashay guud ahaan magaalada Berbera laga arkaayo ilaa hadana aan loo maara helin damintiisa,
Wiishka dabku kacay ayaa kamid ah Sadex wiishaan oo nooca loo yaqaan Mobil Crenes oo dhawaan shirkada DP world usoo iibisay dekeda Berbera kuwaas oo midkiiba qiimaha lagu sheegay afar Milyan oo Dollar.