Daawo Muuqalka”Madaxweyne Biixi Oo Booqdey Goobta Tareenada Jabuuti Iyo Xarunta Isgaadhsinta Dalkaasi
September 6, 2019 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Weftigii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayey oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Jabtuui ayaa maanta booqday laba xaruumood oo kala ah Telecom Djibouti iyo xarunta tareenada ee dalka Jabbuuti.
Waxa weftiga Madaxweynaha Somaliland kormeerkaasi ku wehelinayey wasiirada Xanaanada xoolaha, beeraha iyo biyaha, gaadiidka, warfaafinta ee dalka Jabbuuti iyo masuuliyiin kala duwan. Waxaana weftiga madaxweynaha xarumaha uu booqashada ku tagay ku soo dhaweeyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee goobahaasi.