Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+Sawiro
September 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka aynnu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta si rasmi ah waddanka ugu soo laabtay.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa oo safar shaqo oo qaatay 4(Afar maalmood) ku joogay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maayarka caasimadda iyo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, iyaga oo weftigu qaddar nasasho ah ku qaatay qolka nasashada ee madaarka Cigaal International Airport.