Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Isku Koobto Wada Hadalada Soomaaliya
September 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliya, iyo qaabka ugu haboon ee loo waajihi karo, waxaanu ka digay in Xukuumadda Somaliland isku koobto wada hadalada.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo u warantay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkeedii ku bilawday “Haddii la doonayo wada hadalada Somaliya, in mar kale la furo waxaa daruuriya in la isweydiiyo maxaa la doonaya in laga wada hadlo, ajande ma haysanaa, mise sideenii hore ayeynu qalbi maafish ku galaynaa, markii hore hawada ayeynu bixinay ee maantana maxaynu bixinaa, laakiin dulucda wada haladu waa inay noqdaan sidii ayeynu oodaheena u kala qaadaana Somaliya, wixii inaga dhexeeyey sidee baynu u kala yeelana, mar haddii aynu taas ka hadlayn ma garanayo waxaa kale ee laga wada hadlayo”.