War Deg Deg Ah”Xukumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Masuuliyiinta Shan Shirkadooda Oo Wakiilo U Ah Maraakiibta Koonteenarada Xambaara Iyo Sababta?
September 8, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Xukumada Somaliland ayaa xabsiga Berbera utaxaabta Masuuliyinta shan kamid wakiilada shirkadaha Maraakiibta Koonteenarada Xambaara.
Sababta xadhiga masuuliyiinta ayaa lagu sheegay inuu ka dhashay ismaan dhaaf sadexdii bilood ee udanbeeyay ka dhex taagnaa Wasarada Ganacsiga iyo warshadaha iyo Wakiilada shirkadaha Maraakiibta Koonteenarada Xambaara iyada oo laysku mari lahaa Tacriifada ay shirkaduhu khidmad ahaan uga qaadaan ganacsatada badeecadaha kusoo gurta Koonteenarada oo Wasaarada Ganacsigu Qiimihii ay hore uqaadi jireen hoos uga dhigtay islamarkaan ay ka dhigtay in wadar ahaan Lacagta uga qaadaan Ganacsadaha sadaha koonteenarada Badan sita halka awal shirkaduhu calaa konteenar Lacag dhan 85$ uga qaadi jireen Hadase wasaarada Ganacsigu soo saartay in ganacsadaha sita Matalan 100 Koonteenar in laga qaado 85$ oo kaliya halka awal hore Calaa koonteenar laga qaadi jiray 85$.