Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan Oo Magacaabay Maamule Iyo Kuxigeenk Ugaar Ah Oo Ka Barbar Shaqayn Doona Maamulaha Kastamka Berbera W/Q Axmed Bulshaawi
September 9, 2019 - Written by admin
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan Oo Magacaabay Maamule Iyo Kuxigeenk Ugaar Ah Oo Ka Barbar Shaqaynaya Maamulkii Hore Ee Kastamka Berbera .
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Oo Magacaabay Maamule Iyo Kuxigeenk Ugaar Ah Oo Ka Barbar Shaqaynaya Maamulkii Hore Ee Kastamka Berbera .
Agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan oo hore u ahaa maamulaha Kastamka Berbera ayaa tan iyo wakhtigii uu xilkaasi qabtay bilaabay dagaal badheedh ah uu kula jiray maamulaha kastamka Berbera Cabdiraxmaan Ciro oo ah maamulaha hada ee Kastamka Berbera isla markaana xilkaasi ka badelay Agaasime Gurxan .
Agaasimaha ayaa isku dayey dhawr jeer inuu badelo isagoo gacan dhaafaya wasiirka Maaliyada Somaliland maamulaha kastamka Berbera balse markii arimhaasi usocon waayeen waxaa samaystay ama la xidhay koox kamid ah shaqaalaha kastamka Bebera si ay ugu soo waramaan xaalada kastamka Berbera.
Agaasimaha ayaa markii uu waayey meel uu ka dhaafo wasiirka Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxaa uu samayey manta oo ay taarikhdu tahay 8/9/2019ka magacaabid khalkhal gelisay guud ahaanba hawlaha kastamka iyo shaqda qaranka kadib markii samaystay xafiisk ugaar ah oo isaga hoos yimaada oo lagu magacaabo (Xafiiska Barxada Kastamka Berbera) xafiiskan oo aan meelnaba kasoo gelin shuruucda iyo nidaamka Wasaarada maaliyada ayaa waxaa usoo magacaabay Maamule Iyo Kuxigeenk Ka Madaxbanaan Mamulaha guud ee kastamka Berbera Cabdiraxmaan Ismaaciil Ciro oo ah masuulka ugu sareeya wasaarada maaliayada ee Gobolka Saaxil.
Waxaauu maamulaha xafiiskan labaad ka barbar furmay kastamka Berbera umagacaabay Cali Madhaafan oo kamid ahaan shaqaalaha kastamka Berbera isla markaana ahaa shakhsiyaadka sida hoose ula shaqeeyn jiray waagii uu ahaa Agaasimaha Maaliyadu Mamulaha kastamka Berbera , cali waxaa kamid yahay shakhsiyaadka ay badeecadaha tuugada ah wada xadijireen kuna xilqarsado agaasimaha maaliyadu , magacaabista maamulahan cusub ee uu soo samaystay Agaasimaha Guud ayey ujeedadisu tahay inuu inuu si madaxbanaan ugu badheedho xatooyada xoolaha qaranka ee ka baxa baraxada kastamka Berbera si uu uga xilqarasado maamulka hada ee Kastamka Berbera .
Waxaa kuxigeenka xafiiskan labaad ee uu samaystay gaasimaha guud Umagacaabay Cabdiqani Khayre oo kamid ah shaqaalaha Kastamka Berbera .
Xilalkan aan munaasibka ee uu magacaabay agaasimaha guud iyo xafiiskan cusub ayaa noqonaya dariiq kaliya ee lagu xadi karo badeecadah xad dhaafka ah ee ka baxa baraxada Dekeda Berbera taasi oo walaac xoogan gelisay maamulka iyo shaqaalaha kastamka Berbera oo ilaa hada layaaban waxybaaha ay qaban doonaan maadama uu xafiis gaar ah usamaystay agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu guud ahaanba shaqdii ay qaban jiray dhaman shaqadii guud kastamka Berbera gaar ahaana waaxada Barxada oo ah ta kaliya ee ay shaqda ugu badani kasocoto .
Agaasime Gurxan oo hore u ahaa maamulaha kastamka Berbera ayaa wakhtigan cadaystay cadaawada iyo ciil uu uqabo guud ahaanba shaqaalaha iyo maamulka kastamka Berbera oo tan iyo wakhtigii xilkiisa ku taami jiray sidii uu maruun ula wareegi lahaa waaxyaha rarista iyo baadhista kastaamka Berbera, taasi horseed unoqonaysa inay guud ahaanba shaqda qaranka ee kastamka Berbera hoos udhacdo ama istaagto.