Xaaladda Saxaafadda Somaliland Oo Laga Dayrinaayo, Tiradda Wariyayaal La Xidhxidhay Iyo Kuwo Dalka Ka Baxsaday.
September 12, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaaladda Saxaafadda Somaliland Oo Laga Dayrinaayo, Tiradda Wariyayaal La Xidhxidhay & Kuwo Dalka Ka
Baxsaday.
Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asparo, oo ka tirsan shabakada Hadhwanaag, ayaa xidhan halka
shabakadana hore loo xayiray.
Maxamed Cismaan Mire ( Sayid), ayaa xidhan oo ah guddoomiyaha TV-ga Horyaal halka hore ciidamada
dawladdu ula wareegeen TV-ga., Ilaaliyihii xarunta TV-ga Horyaal ayaa isna saaka xukuumaddu xidhay.