Qareeno Reer Somaliland Ah Oo Ka Qeyb Galay Imtaxaan Loo Galay Garsoorka Somaliya+Magacyadooda Iyo Sawiro
September 12, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar ay shabakada Ilaysnews.com ka heshay ilo xog ogaal ah waxaa ay sheegayaan in qareeno reer Somaliland ah isla markaana Hargeysa ku noola ay dhawaan u dhoofeen Magaalada Moqdisho ee dalka Somaliya
Qareenadan ayaa tiradoodu ay tahay saddex qareen waxaana ujeedkoodu uu yahay sidii ay uga mid noqon lahayeen garsoorka Somaliya waxaana ay isla shalay-ba ka mid ahayeen 215 qof oo u fadhiistey imtaxaan lagu kala saaraayey garsoorayaal loo qadanaayey maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliya