Uhuru Kenyatta Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Inay Ciidamada Kenya Ka Baxaan Soomaaliya
September 13, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hor imaaday qorshaha la doonayo in Ciidamada AMISOM looga saaro dalka Soomaaliya.
Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya aysan marnaba ka bixi doonin dalka Soomaaliya inta ay Al-Shabaab jirto isagoo sheegay inay AL-Shabaab halis weyn ku tahay guud ahaan dalalka Africa.
Wuxuu tilmaamay inay Ciidamada Kenya baaqi kusii ahaan doonaan gudaha Soomaaliya inta ay iska dhiibayaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay,