Komishaneerkii Ugu Mudada Dheera Guddida Doorashoyinka Somaliland Oo Ka Cudur Daartey Inuu Mar Saddexaad Ka Mid Noqdo Guddidaas
September 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo ahaa komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa waxaa uu ka cudur daartey kamid noqoshada mar saddexaad guddidaas oo la soo magacaabo
Cabdifataax Ibraahin Sheekh waxaa uu ahaa xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen Gudida Doorashooyinka somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqondey komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar sadexaad xisbiga UCID u soo xusho xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta