Sare U Kac Ku Yimid Qiimaha Shidaalka Dunida Kaddib Weerarkii Warshadaha Sucuudiga
September 16, 2019 - Written by admin
Jeddah(Berberatoday.com)-Qiimaha shidaalka dunida ayaa sare u kacay kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday warshadaha shidaalka ee Sucuudiga taas oo horseeday in uu hoos u dhac ku yimaado boqolkiiba 5 shidaalkii caalamka.
Barmiilkii saliidda ceyriinka ah ayaa qiimihiisu wuxuu gaaray $66.28 doolar oo boqolkiiba 10 ayuu sare u kacay.
Jeffrey Halley oo ka faalooda suuqyada shidaalka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ay ka dhalatay dhibaatooyin siyaasadeed markii uu weerarka uu dhacay kaddib.