“Ilaahay Baa Deeq Baxshee, Cirdiga Iyo Nafta Bani’aadmaka ka Daaya Mashruucaysiga”!Proffesor Cabdi Cali Jaamac
September 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Prof cabdi cali jaamac ayaa ka hadlay arimo sharafta bulshada dhaawac ku ah oo NGOyadu Somaliland ka dhex wadaan kuwaasi oo aan xaqiiq ahayn balse lagu dhaaawacayo sharafta bulshada reer Somaliland qoraal kooban oo uu arintaasi kaga hadlayo ayaa wuxu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;
“Shalay xayaysiisku wuxu ahaa galmo oo dhan iyadoo kufsi lagu soo gabbanayo; maantana in qofku nafta iska jaro; waa sidaa arrinku marka dhaqanka NGO gu kula fogaado; mashruucaysi baa la yidhaa; Waar Ilaahay baa risiqa bixiyee ha iska soo xambaaranina dhaqanada iimaan-laawayaasha ku badan!!!