Maamulka Dawlada Hoose Ee Berbera Oo Mabnuucay Qalintaanka Geel Iyo Lo,da Iyo Sababta Ka Danbaysa
May 13, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waaxda Faya dhawrka ee dawlada Hoose ee Berbera ayaa kusoo rogay hiliblayaasha hilibka ku qala magaalada Berbera in aanay ilaa iyo amar danbe magaalada ku qali karin geel iyo Lo,da sidaasna waxa ku dhawaaqay Agaasimaha waaxda Arimaha Bulshada iyo Fayadhawrka dawlada hoose ee Berbera Jimcaale Cabdillahi Jaamac(Jimcaale Cawke)Waxanu ku sababeeyay Agaasimuhu joojintaas ay joojiyeen qalintaaka geel iyo Loda arimo la xidhiidha caafimaadka Geel iyo Loda magaalada lagu qalo oo aan fiicanay indhohoodana ay kusoo arkeen neefaf geel oo caafimaad ahaan xanuunsanaya oo hadana inta la qalo shacabka laga iibinayo, arintaas oo caafimaadka bulshada halis ku ah ayay maamulka dawlada hoose gaar ahaan waaxda Fayadhawrku ujhoojiyeen in ilaa amar danbe magaalada lagu qalo geel iyo Lo,ba sidoo kale waxa uu agaasime jimcaale cawke sheegay in Hutelada laga cunteeyo ee magaalada Berbera laga baadhi doono inay hilib geel iyo mid lo,aadba iibinayaa Hutelkii laga helana la ganaaxi doono ruqsada ganacsigana lagala noqon doono
Waa marki labaad ee Kiis noocan aanu qabano iyadoo dadki falkaa ku kacayna sharciga lala tiigsan doono dhawaan insha allah.