Garyaqaan Xuquuqda Saxaafada Iyo Muwaadinka Udoodi Jiray Oo Joojiyay Shaqadii Kadib Markii Uu Sheegay In Sharcigii Iyo Dastuurkii Somaliland Shaqayn Waayay Oo Xukumadu Afduubtay
September 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Garyaqaan Mubaarik Cabdi isaga oo ugu horeyn ka hadlaya sababta uu ujoojiyay ku shaqeynta mihnadan uu muda ku dhex jiray waxaa uu yidhi “Wixii Dastuurka ku qorna lama raacayo oo wax ka duwan ayaa la raacayaa, marka adiga uunba ku dhibaatoonaya oo ku xanuusanaya, waayo waxba isma badelayaan, marka waxaan go’aansaday maadda ay mihnadani tahay midii aan ugu jeclaa nolosheyda ee aan bartay kuna shaqeeyay, ilaa imikana aan ku shaqeeyo laakiin inta lagu soo noqonayo xayndaabka sharciga ee Waddanku hagaagayo ee qaab isbadel uu dhacayo oo la xidhiidha arrimaha sharciga waxaan go’aansaday in aan joojiyo mihnadaasi ku shaqeynteeda”