Madaxweyne Geele Oo Canaan dheggaha Goostay Ganacsade Ina Aw siciid+ Xayiraadda dhaqaale + Filashada Iscasilaadda Muuse Biiixi Iyo Dhoolo-ka Qosolka Madaxweyne Siilaanyo…
May 13, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-iyaddoo uu jiro khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay dawlada Somaliland iyo dalka Jabuuti ee uu hor-joogaha u yahay Digteeter Ismaacil Cumar Geele, ayaa hadana waxa durba gebi dhaclayn bilaabay shaqsiyaad dano weyn ku qabay xidhiidhkii hore ee uu dhexeeyey labada dal.
Tusaale, ahaan waxa khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr Geele iyo sidoo kale, Ganacsadaha laba gardaaqa ah ee Lagu Magacaabo Maxamed Aw Siciid,kuwaasoo khilaafkoodu salka ku hayo, kaddib markii dhowaan xukuumadda Somaliland fasaxday in dalka la keeni karo xadhig Internet-kaasoo ay ogolaansho u siisay shirkaddo laga leeyahay Somaliland, iyaddoo markii hore kooto muddo 25-sanaadood ah qalinka xukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliland ugu duugeen Ganacsade Aw siciid oo shuraako la ah qoyska Madaxtooyadda Jabuuti inuu dalku ugu xidhnaado, hadana arrimo badan oo dib u eegis uu ku sameeyey Madaxweyne Siilaanyo ayaa sababay in dib loo furo, maadaama oo aan shacabka Somaliland dani ugu jirin wax kooto ahi.