Boqorka Beesha Gabooye Oo Sheegay In Is Af-garad Lagu Gebogebeeyay Kiiskii Nimco Yaasiin Iyo Adeega
September 19, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanada Caanka ah ee Nimco Yaasiin Caraale Ayaa kadib markii Ay Haween Kasoo Jeeda beesha gabooye Sheegeen in ay Walaalo yihiin oo Muddo Muran ka Taagnaa ayaa dalka Soo gaadhay Waxaanay Maxkamada Degmada Hargeisa ka Furatay Dacwad kiiskan la Xidhiidha, iyadoo markaasi Nimco Yaasiin Diyaar u ahayd inay Qanciso Gabadhan iyo Dadka kale ee Shakiga lagu Abuurayba, taas oo sababtay in Fanaanadu Kiiskaasi dartii u Joogto hargeisa Muddo Ku Siman Laba bilood. Waxaana ay fanaanad Nimco Yaasiin u soo jeedisay in lagu kala saaro iyada iyo Gabadhan Sheegaynaysa ee La Yidhaa Adeega Dhiiga Hidde sida loo yaqaan ee DNA.taas oo maxkamadu ku qanacday Soojeedinta Fanaanada si loogu kala baxo.