berberatoday.com
Mareykanka Iyo Dalalka Khaliijka Oo U Tashanaya Iran
September 20, 2019 - Written by admin

Jeddah(Berberatoday.com)-Mareykanka ayaa Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka kala tashanaya jawaabtii laga bixin lahaa weerarkii lagu qaaday xarumaha saliida Sacuudiga, kaasi oo ay ku eedeeyeen Iran.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa weerarkaas ku qeexay dagaal lagu qaaday boqortooyada. “Kani waa weerar aynan noociisa horey u arag”

Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada, waxaana sheegtay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay jiraan habab badan oo aan dagaal ahayn oo Iran loogu jawaabi karo. Waxa uu amray cunaqabateyn dheeri ah oo la saaro Tehran,

Safiirka Sacuudiga ee Berlin ayaa yidhi “wax walba miiska ayay saaran yihiin”, isaga oo raadiyaha Deutschlandfunk u sheegay in tallaabo kasta oo la qaaday ay tahay in aad looga fiirsado.

Riyadh oo weerarka ku qeexday mid lagu tijaabinayo mowqifka dunida ayaa arbacadii soo bandhigtay haraadiga 25 drone oo Iranian ah iyo gantaalo ay sheegtay in weerarka loo adeegsaday.

Imaaraadka Carabta ayaa maanta kula biiray Sacuudiga dhisidda ciidamo isbaheysi oo caalami ah oo loo diyaarinayo inay sugaan amniga badda Gacanka, kuwaasi oo Mareykanka uu isku dayey inuu aas-aaso tan iyo weeraradii maraakiibta loogu geestay halkaas.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews