Iran Oo Ku Hanjabtey In Hadii Weerar Lagu Soo Qaado Ay Ka Bixin Doonto Jawaab Ciqaab Adag Leh
September 20, 2019 - Written by admin
Tehran(Berberatoday.com)-Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digtay in la geliyo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay ka bixin doonto jawaab ciqaab adag leh.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in Trump, oo horey u amray cunqabateeno dheeri ah oo la saaro Iran, uu doonayo in xal nabadeed loo helo xasaradda.
Waxa uu hadlayey kadib wada-hadallo uu hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka kala yeeshay weerarkii lagu qaaday xarumaha salidda Sacuudiga, kaasi oo Washington iyo Riyadh ay ku eedeeyeen Tehran.