“Waxaanu Nahay Dawlad Kala Dambayn Leh,” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
September 20, 2019 - Written by admin
“Waxaanu Nahay Dawlad Kala Dambayn Leh,” M Biixi
Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa ammaanay halka ay Somaliland gaadhay 28 sannadood oo ay ahayd dal soo ceshaday xorriyadiisii.
Madaxweyne Biixi oo ay muuqala kooban ka duubtay Somaliland Now, oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “1991 iyada oo ay magaalo oo dhami dunsantahay oo guri walba ay lafihii lagaga tagay yaalaan, magaalooyinka oo dhan Somaliland oo aan lahayn xarumo boolis laba saddex mooyaane ayaa la soo galay iyada oo qaxoonti la wada yahay oo la siman yahay, waxaana laga bilaabay in laga soo dhiso halkii ugu hoosaysay.”