Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay In Ay Ka Danbeeyaan Shaqaaqo Gobolka Salal Ka jirta
September 21, 2019 - Written by admin

Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa wasiirada arimaha gudaha iyo beeraha Maxamed Kaahin Axmed iyo Cabdi Muumin Seed ku eedeeyay inay dagaal ka hurinayaan Selel.
Xildhibaanka ayaa sheegay in labadan beelood midkood awood ciidan lagu difaacayo halka ta kalena dad aad u badan laga soo xidhay, waxaanu ku tilmaamay deegaanadaas in ahaatan xaalad dagaal ay ka jirto, xildhbaanka oo dagaal kooban oo ka dhacay Wadajir oo ka tirsan Selel uga waramay warbaahinta waxa uu yidhi “ Selel meesha la yidhaahdo Wadajir ayay shaqaaqadu ka dhacday maalintii uu Kulmiye Boorama ku shiraayay waatii laga soo qabqabtay dad labada reer ee meesha dega ah, shirka markii la bilaabayay ayaa xildhibaanada labada dhinacba laysugu yeedhay oo warqad nalaga saxeexay oo la yidhi meeshaas cid u dhawaan kartaa ma jirto,nalooma yeedhin ee waraaqo ayaa la sameeyay oo wasiirka beeraha, wasiirka arimaha gudaha iyo badhasaabka Selel waraaqo ayaa la sameeyay oo xoog ayaa meeshii ragii lagu dajiyay cidii soo dhawaatana waxa la yidhi xabad ayaa lagu dhufanayaa nin ayaa ku dhaawacmay dhintayaa iyo noolaaba war uma hayee “