Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Puntland
September 24, 2019 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Deni ayaa xilkan u magacaabay, Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte) oo horay u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulkaasi.
Wareegtada oo ku taariikheysneyd 23-kii bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu markii uu arkay aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo uu Jeyte uu magacaabay xilkaasi.