“Madaxweyne Inaad Umadda Kasbato Oo Dhibtooda Wax Ka Qabato Ayaa Lagaa Doonayaa”Xildhibaan Siciid Gaane
September 26, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu tilmaamay inay gabtay waajibkii iyo xilkii saarnaa, waxaanu xusay inay ku fashilantay wax ka qabashada colaada Ceel-afweyn.
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi u diray talo ku waajahan dalka iyo dadkaba, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Ceel-afweyn “Colaada Ceel-afweyn iyo dagaalka soo noqnoqnaya ee labada Beelood ee Ceel-afweyn, waxaad mooda inaan daacad laga ahayn, in wax laga qabto, oo si daacadnimo leh loo kala dhex galo labada Beelood, gaar ahaan heshiiskii ugu dambeeyey Culimo, Wax-garad iyo Odayaalba wey galeen, meel wallbana waa laga duceeyey, haddii Xukuumaddu Culimada u dayn lahayd hawshaasna mar hore ayey dhammaan lahayd, laakiin Xukuumadda ayaa soo faragelisay, oo waa kii Wasiirka Arrimaha Gudduhu tagay, waa ayaan daro iyo nasiib daro in colaada labada Beelood wali taagan tahay, oo ilaa Xukuumaddii hore tagnayd, waxaana muuqata in siyaasad kale laga leeyahay, Xukuumadduna waajibkii iyo xilkii ka saarnaa wax ka qabashada colaadan Ceel-afweyn may marin, waxaanada mooda in aanay daacad ka ahayn in colaada iyo dagaalka la joojiyo, waxaana labada Beelood waxaan leeyahay kitaabka iyo dhaartu yaanay idin qaban, ee cidda fidnada hurinaysa iska qabta, dantiinu kuma jirto inaad kala aarsataane, maxaa yeelay intaas oo jeer baad Kitaabka Quraanka ah ku dheerateen, oo aad ku dhaarateen inaad nabada qaadanaysaan, oo ALLE ka cabsada”.