Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Oo Ka Digay In La Eedeeyo Iran
September 27, 2019 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in laga fiirsado in Iran lagu eedeeyo weerarkii 14-kii bishan lagu qaaday goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla dalka Sacuudiga.
Inkasta oo weerarka ay sheegatay kooxda Iran ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen, ayaa Riyadh, Washington iyo dowlado kale oo Reer Galbeed ah waxay sheegeen in Iran ay mas’uul ka ahayd.