Qaxoonti Lagu Addoonsaday Liibiya Oo Rwunda Lagu Qaabbilay Iyo Xaaladda Soomaaliyad Laba Bilood Jir Ah Oo Ka Mid Ah
September 28, 2019 - Written by Berbera Today
Rwanda(Berberatoday.com)-66 Qof oo Muhaajiriin ah, ayaa gaadhay Dalka Ruwanda, kuwaas oo qaab Addoonsi ah loogu haystay Xabsiyo ku yaalla waddanka Liibiya. Waxaa dadkaa ku jira gabadh yar oo Soomaaliyeed oo muddo laba bilood ah jirtay.
Arrintani ayaa ka dambeesay markii Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNCHR iyo dowladda Rwanda ay ku heshiiyeen in muhaajirintaas kooxdii ugu horreysay laga soo daabulo Libya.