berberatoday.com
“Shacbiga Somaliland Rejo Kama Qabaan In Mushkiladaha Waaweyn Ee Ina Hor Yaalla In Madaxweyne Muuse Biixi Wax Ka Qabto, Taa Beddelkeedana Dadku Waxay Dadku Ka Werwersan Yihiin Badbaadada Somaliland…”-Cabdiraxmaan Cirro
September 29, 2019 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si ba’an u dhalliilay hoggaaminta Madaxweynaha JSL.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu arrintaasi ka sheegay hadalkii uu ka jeediyey xafladii furitaanka shirweynihii labaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Burco.

Ugu horreyna, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka hadlaya aragtida uu ka qabo hoggaaminta Madaxweynaha waxa uu yidhi, “Maanta, Shacbiga Somaliland rejo kama qabaan in mashkiladaha waaweyn ee ina hor yaalla in Madaxweyne Muuse Biixi wax ka qabto, taa beddelkeedana dadku waxay dadku ka werwersan yihiin badbaadada Somaliland iyo waxa ka dhallan kara hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi”, Cirro waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Werwerkaasi iyo cabsidaasi waa kuwo jira oo anigu ka baqi maayo cadow dibada inooga yimaada waxyeeladiisa”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay arrimo uu ku sheegay in Madaxweyne uu kaga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyey, “Anigu waxaan arkaa arrimo innagu cusub oo aynaan ku arki jirin Madaxweynayaashii Muuse ka horreeyey oo waxa ka mid ah, Wada tashi la’aan, iyadoo Somaliland ay halkan ku soo gaadhay wada tashi oo waxaan rumeysnahay inay Somaliland ka bilaabmatay kelidii taliyenimo oo waxa ka mid ah isu tannaasul iyo dulqaad la’aan oo sidii uu sheegay Madaxweyne Muuse in uu dulqaadka u yaqaano doqoniimo, waxaana ka mid ah isagoo aan wax xurmo ah siin Madaxda Dhaqanka, Cullimada, Ganacsatada, Wax garadka iyo Axsaabta midna, iyo waliba u gurmad la’aanta iyo wax ka qabasho la’aanta collaadaha dalka ka dhacay oo aan tusaale u soo qaadi karo tii Dhummay ka dhacday iyo Ceel-af-weyn, waxaanay Madaxtooyadu sheegtay Reero kala baqaya iyo Reero hub isku urursanaya”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu eedeeyey Madaxweyne Biixi inuu hagar daameynayo Ganacsiga gaarka ahaa, “Waxa ayaan darro ah in Xukuumaddu iyadoo ku fashilantay inay sameyso siyaasad dhaqaale oo hore u socod ah inay bilowday faro gelinta ganacsiga iyo nidaamka suuqa xorta ah oo uu dastuurku dammaanad qaaday madax bannaanidooda, waxaanaynu maqlaynaa taaha iyo cabbashada dami weyday ee ganacsatada waaweyn iyo yaryar ba, waxaanay Ganacsatadu Xukuumadda xaq ugu leeyihiin inay dhiirigeliyaan oo ay u fududeeyaan hawlahooda Ganacsi, Ganacsigu waa shaqo bixiyaha iyo cashuur bixiyaha ugu weyn Somaliland, waxaana muuqata in Xukuumaddu Ganacsiyo jiray sida wakiillada Maraakiibta iyo keenista Shidaalka iyo kuwo kale oo badan ay culeys joogto ah ku hayso si ay suuqa uga saarto oo ay iyagu dad gaar ah oo ay dano gaar ah ka leeyihiin u siiyaan fursadahaasi ganacsi”.

Sidoo kale, Cirro waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha inuu kala qoqobka bulshada, “Haddii aad maqli jirteen Qaraabo kiil, Xukuumadda Kulmiye waxay bilowday Koox kiil oo waxay doonaysaa in dhaqaalaha dalka loo gacan galiyo koox yar oo ka ag dhaw Madaxweynaha, taasoo khatar weyn ku ah nidaamka suuqa xorta ah, dhaqaalaha waddanka, shaqo abuurka iyo amniga ba”.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa uu sheegay dareenka uu ka qabo sameysanka Jabhadaha iyo ergadii ka hawl gashay, “Kelidii taliyuhu isaga ayaa dhala Jabhadaha, waxaan ka soo hor jeedaa in dalka ay ka sameysmaan Jabhado oo ka abuurmaan Barri iyo Galbeed ba, Odeyaashii ergada nabada u tegay Gobolka Sanaag ee Madaxweynuhuna ka war hayey ee la kulmay Sarkaalkii Ciidanka ka goostay ee Korneyl Caarre waxay Shacbiga Somaliland u sheegeen inay sidaan nabad oo ay ku furayaan Miiska Madaxweynaha, Nabadii wali may gaadhin Miiska Madaxweynaha oo waa inay gaadhaa, Madaxweynaha waxa laga sugayaa war shacbiga ka farxiya”.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku eedeeyey ku tumashada Xorriyaadka aasaasiga ah, “Xukuumadda Kulmiye waxa aasaas u noqotay dhawris la’aanta iyo ku tumashada xorriyaadka aasaasiga ah sida xorriyada hadalka iyo saxaafada oo dhallin kara kacdoon dadweyne oo dhammaan shuruucdeenu way xaaraantinimeynayaan cabudhinta iyo cago jugleynta, iyadoo xukuumaddu baal mareysa ayaa waxay xidhay Muwaadiniinta iyo Suxufiyiin dareenkooda cabira oo sanadkii 2018-kii xukuumaddu waxay xidhay 21Suxufi, halka ay 2019-kii ay xidhay 17Suxufi iyo Telefishano, Wargeysyo, Websityo, waxaana saxaafada looga baahan yahay inay ilaaliyaan anshaxa saxaafada iyo xuquuqda muwaadinka, Xukuumaddu waxa kale oo ay xidhay Saraakiil ka tirsan Xisbiga oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada, Abwaan Baashe, Macalin Cabdiqaadir, iyo Xildhibaano ka tirsan Gollayaasha Degmooyinka Gar-adag, Ceel-af-weyn, Gabiley iyo Borama, markaa Somaliland waxay ka dagaalantay Cabudhin iyo Cago jugleyn oo maanta suurto gal ma noqoneyso inaynu isku xukuno Cabudhin iyo Cago jugleyn”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews