Maxaa Ka Jira In Lacag Sucuudigu Siiyey Wiilkii Jamal Khaashuqji
October 1, 2019 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Wiilka suxufiga reer Sacuudi ee la dilay ee Jamal Khaashuqji, kaasi oo beeniyey inuu heshiis lacageed la gaadhay dowladda, ayaa maanta aad u difaacay boqortooyada, ka hor sanad guuradii koowaad ee dilka.
Khaashuqji – oo ahaa xog-ogaal ku dhex-jiray qoyska boqortooyada balse kadib isu-beddelay dhalleeceeye – ayaa 2-dii October 2018 lagu dhex-dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, howl-gal ay fuliyeen 15 sarkaal oo laga soo diray Riyadh. Meydkiisa illaa iyo hadda lama helin.