Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan Oo Wax Badan Ka Bedelay Dhaqamadii Soo Jireenka Ahaa Ee Sucuudiga
October 5, 2019 - Written by Berbera Today
Riyadh(Berberatoday.com)-Boqortooyada Sucuudiga ayaa ogolaatay in Raga iyo Dumarka shisheeyaha ah ay Huteel wada kiraysan karaan iyaga oon la hubin in ay qaraabo yihiin ama is qabaan.
Waaxda Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa Jimcihii sheegtay in” Dhamaan muwaadiniinta Sucuudiyaanka ah waxa la waydiinayaa kaadhka qoysnimo, tani ma aha shardi laga rabo shisheeyaha, Dhamaan Haweenka ooy kamid yihiin kuwa reer Sucuudi way dagi karaan Huteelada iyagoo bilaa muxram ah”
Qoraalkan waxa baahisay wakaalada wararka ee Reuters.