Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Dalka Ka Saari Doonin Wakiilka Jabuuti
October 5, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in diblomaasiga ujooga Jabuuti Somaliland uu wax dacwad ah uga soo gudbiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ugu horeyna isagoo ka jawaabaya waxaa ka jira dacwadan waxa uu yidhi “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”.