Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Somaliland oo Gaadhi Kala Wareegay Hay’adda UNHCR.
October 11, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa maanta gaadhi kala wareegay Hay’adda UNHCR.
Gaadhigan oo uu noociisu yahay (hard-top) waxa loogu talo galay in lagaga faa’idaysto adeegyada ay bixiso Hay’adda Qaxoontigu kaas oo lagaga shaqayn doono hawlaha kala duwan ee ay hay’adu ka qabato gobolka saaxil.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye Xinif waxanu u mahad celiyey Hay’adda UNHCR oo iyadu si toosa ula shaqaysa Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, isaga oo tilmaamay in uu gaadhigani wax wayn ka tari doono adeegyada ay Hay’addu u qabato Barakacayaasha dalka gaar ahaan gobolka Saaxil.