berberatoday.com
“Anagu Soomaaliya Kama Goosanayno,” Wasiir Sacad Cali Shire”Daawo Muuqal
October 20, 2019 - Written by Berbera Today

“Anagu Soomaaliya Kama Goosanayno,” Wasiir Sacad

Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sharraxaad ka bixiyay qaddiyadda Somaliland iyo muhiimadda ay ugu fadhido Soomaaliya, gobolka iyo caalamka in Somaliland nabad ahaato citiraafna hesho.

Wasiir Sacad oo u warramay Somaliland Now ayaa sheegay in Somaliland ka noqotay midnimadii Soomaaliya laakiin, aanay ahayn gooni u goosad sida dadka qaar u maleeyaan.

“Dadka qaar ayaa yidhaahda ‘haddii Somaliland la aqoonsado waxay dhiiri gelinaysa gobollada kale ee Soomaaliya in ay gooni isu taag doonan laakiin, anagu cidna kama goosanayno laakiin, waxaanu nahay dal la midoobay dal kale oo ka noqday midnimadii waa taas xaqiiqadu,” ayuu yidhi Dr Sacad.

Waxa uu intaasi raaciyay ahmiyadda uu Soomaaliya u leeyahay aqoonsiga Somaliland “Haddii Somaliland la aqoonsado Waxaan aamminsanahay in aanu dhammayn karno dhibaatada Soomaaliya waayo dadkan (Somalia) waxaanu u naqaana si ka fiican cid kale oo kasta,” ayuu yidhi wasiir Sacad oo intaasi raaciyay in Somaliland hore u xallisay mushkiladaheeda waayo aragnimadaasna ay leedahay.

Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda Somaliland u leedahay amniga gobolka iyo caalamka isaga oo sheegay in amniga Itoobiya iyo Jabuuti ku xidhan yahay degenaanshaha Somaliland “Marka loo eego caalamka, Berbera waxay ku taalla bogcad aad u istaraatiji ah, haddii aanay ka badqabin Budhcad Badeed iyo Argagixiso waxa istaagaya ganacsiga u dhexeeya Yurub iyo Aasiya, ganacsiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub iyo inta kale oo dhan,”

 

Somaliland Now@Somaliland_Now

Watch our exclusive video as we sit down with @drsaadalishire as he explains to us how ’s recognition would not only benefit the region but the international world as well, watch the video to find out more. @MadaxtooyadaJSL

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews