Siyaasi Cabdilaahi Darawal Ayaa Walaac Ka Muujiyay Qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland
October 22, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi-Darawal) oo xilal Wasiirno kasoo qabtay Somaliland,ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay fadhiid noqotay Dimuqraadiyaddii Somaliland,taasna ay sabab u tahay Muddo-dhaafyadda soo noqnoqday ee Gollayaasha Qaranka iyo Muranadda hadheeyay hanaanka Doorashooyinka Dalka.
Waxa uu intaas raaciyay inay Beesha Caalamka ee Somaliland taageertaa si weyn uga niyad-jabsan yihiin Muranadda taagan ee aan dhamaadka lahyn,waxaana uu ku taliyay in loo istaago sidii waddanka halkan uu joogo looga dhaqaajin lahaa.