Muqdisho: Sirdoonka Dawladda Soomaaliya Oo Qabtay Koombiyuutarro Lagu Rakibay Walxaha Qarxa
May 16, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee loo yaqaanno NISA ayaa howlgal ka sameeyay guri ku yaala degmada Hawl-wadaag, gaar ahaan xaafadda Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu diyaarinayay qaraxyo, ayaa gacanta ku dhigay Laptop-yo lagu diyaariyay qaraxyo iyo agabyo kale oo warqado iyo gaadhi uu ku jiray.
Howl-galkan oo dhacay doraad, ayaa Ciidanka NISA ugu suurta gashay inay qabtaan nin lagu tuhunsan yahay inuu diyaarinayay qaraxyadan, waxaana lala qabtay illaa todobo Laptop oo qaarkood lagu rakibay qaraxyo.