“Dhulka Uu Macalin Mohamed Ka Hadlay Waxa Aan Iibsaday 2008, Hooyadii Ayaana Iga Iibsatay 2013” Siyaasi Yuusuf Garas
October 25, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Yuusuf Garas Cismaan oo hore xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa waxaa uu jawaab adag ka bixiyay cabashada Macalin Maxamed Soomaali oo sheegay in dhul uu ka iibiyay ay ku haystaan qoyska Madaxweyne Muuse Biixi.
Yuusuf Garas ayaa waxaa uu soo bandhigay in dhulkaasi uu ka hadley Macalin Maxamed Soomaali uu iibsaday 2008-dii, islamarkaana 2013-kii uu ka iibiyay Macalinka Hooyadii.
Siyaasi Yuusuf Garas ayaa waxaa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu arintaasi kaga fal celinayo oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga, waxaanay u dhignayd sidan:-