Laascaanood Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanaayo Bandhiga Buugaagta
October 28, 2019 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Hay,adda SVO (Steadfast Voluntary Organization) Oo ay Weheliyaan Maamulka Gobolka Sool iyo kan degmada Laascaanood ayaa si rasmi ah u shaaciyey in markii ugu horaysay magaalada lagu qaban doono 10 Dec 2019 bandhig Buug oo Caalamiya,arintan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee magaalada Laascaanood lagu qabto Carwo bandhig Buug oo noocan oo kala ah waxaana lagu tilmaamay mid guul iyo taariikhba u noqon doonta gobolka gaar ahaan Laascaanood.
Carwada Bandhiga Buugaagta Ee laascaaanood lagu qaban doono ayaa waxaa lagu casuumay oo ka soo qayb gali doonaa Soomaali iyo sidoo kale ajaanib wadamo kala duwan ka kala imaan doona,inta uu soo socdo ayaa lagu soo bandhigi doonaa buugaag kala duwan kuwaasi oo ay qoreen,qorayaal Soomaaliyeed,sugaanyahano iyo qoyaal kale oo kala iman doona wadamo shisheeye Oo caalamka ah.