Daawo Muuqalka”Dawladda Itoobiya Oo Isbedel Ku Samaysay Siyaasadeedii Arrimaha Dibadda Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Somaliland
October 31, 2019 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la dhammaystiray isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa.
Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.”