Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Putland Cabdixakiim Dhoobo-daareeed Oo Sheegay Inuu Dhamaaday Wada Lahaanshihii Maamulka Puntland
November 14, 2019 - Written by Berbera Today
Dhahar(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daareed ayaa sheegay in wada lahaanshaha Puntland uu dhamaaday maaddaama koox gaar ah xoog kula wareegtay maamulka dowladda.
Dhoobo-daareed ayaa sheegay in Kooxda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni ay uga adkaadeen siyaasad ahaan hase ahaatee ay adeegsadeen lacag iyo xoog.
Xildhibaannada oo uu sheegay in ay wakiil ka yihiin dadweynaha Puntland ayuu ku eedeeyay in ay lacag yar dhaafsadeen dhaartii ay u mareen ilaalinta Puntland.