Xukuumadda Somaliland Oo Sharraxday Asbaabaha Loo Xidhay Xarunta HCTV
November 20, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-War ka soo baxay maanta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in loo xidhay Isniintii Telefishanka HCTV, kadib markii uu baahiyey Warar aan run aheyn, isla markaana ay ku xadgudbeen Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer No. 27/2004.
Warka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafintu, waxaa lagu iftiimiyey in HCTV uu faafiyey warar aan xaqiiqo aheyn oo dhinac ka raran, oo ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda Somaliland ee XEER No. 27/2004 iyo heshiiskii is-fahamka ahaa ay dhawaan wadajir u kala saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka Wakiil ah Xukuumadda JSL iyo Telefishannada madaxa-bannaan ee dalka oo isku raacay in warbaahinta ay dheelitiraan wararka ay ka baahinayaan dalka, lagana waantoobo faafinta wararka aan jirin.