Taliyihii Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Xilka Laga Qaaday Iyo Magaca Taliyaha Cusub Ee Loo Magacaabay
February 18, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidammada Laanta Socdaalka Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), waxaanu xilkaa dib ugu soo celiyey Colaniel Maxamed Cabdi Caalin oo hore xilkaas u soo qabtay.
Sidaana waxa xaqiijiyey Taliyaha Xilka laga qaaday, sida uu Xalay baahiyey Telefiishanka HCTV.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa Taliyaha cusub ee Laanta Socdaalka u Magacaabay Maxamed Cabdi Caalin oo Taliye Cambaro hortii xilkaa heyn jiray, halka uu Taliyaha uu xilka ka qaadeyna u Magacaabay la taliyaha dhinaca Ammaanka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.