Ciidamada Amisom Oo Shaaciyey Qaabkii Loo Dilay Almaas Elman
November 22, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Almaas Elman oo ah aheyd gabadh u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha xuquuqda aadanaha.
Ciidammada AMISOM waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilka Almaas.
AMISOM waxay sheegeen in dilka Almaas uu ka dhacay xerada Xalane xilli ay ku wajahneyd garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaddib markii ay rasaas ku dhacday.
“Baabuurka waxay ku saarnaayeen 3 qof, labadii qof ee kale waxbo ma gaarin, Almaas Elman iyadoo dhaawac ah waxay ku geeriyootay Isbitaalka AMISOM” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM.