Cabdirashiid Riyo Raac Oo Ahaa Xubintii Muranka Badan Dhalisay Oo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Loo Doortay
November 30, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa Guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo-raac fadhi ay maanta yeeaheen.
Cabdirashiid ayaa ahaa xubinta ay sida weyn uga soo horjeedeen xisbiyada mucaaradka isaga oo hore ugu soo ololeeyayb Xisbiga Kulmiye Katina tirsanaa Golihii Wasiirada Xukumadii Axmed Siilanyo.
Sidoo kale waxa gudoomiye Kuxigeenka Gudida doorashooyinka loo Doortay Mustafe Maxamed Daahir oo ahaa Xogahyihii golaha Wasiirada Xukumadan Muuse Biixi waxaanay labada xubnood ee hogaanka Gudida doorashooyinka loo doortay noqanayaa laba kamida sadexdii Xubnood ee Madaxweynuhu keenay ee aan kalsoonida badan lagu qabin lagu eedeynaayay inay Xisbiga Kulmiye katirsanaayeen una soo ololeeyeen.