Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo La Siiyay Fasax Laba Bilood Ah Xili Muran Siyaasadeed Uu Arimaha Doorashooyinka Ka Taagan Yahay
December 15, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa fasax laba bilood ah galiyay xildhibaanada golaha wakiilada xili muran siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ah.
Baashe Maxamed Faarax guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa fasaxan ugu hanbalyeeyay xildhibaanada golaha wakiilada oo dhawaan uun golaha guurtidu uu u kordhiyay muddo xileed laba sanadood ah kaas oo wali xisbiyada mucaaradka ah aan ka daadagin.