Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Si Adag Ula Hadlay Weftigii Beesha Caalamka Ee Hargeysa Yimid
December 21, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag ula hadlay weftiga beesha caalamka ee Khamiistii Madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye Baarlamaan.

Guddoomiye Saleebaan ayaa dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland taageera ku eedeeyay in ay wiiqayaan hay’adaha Distooriga ah ee Somaliland. Waxa uu u sheegay in aanu jirin sharci fasaxaya in la kala diro Komishanka cusub, islamarkaana aanu jirin wax dambi ah oo ay leeyihiin.