|
berberatoday.com
Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Madaxa-banaan Oo War Ka Soo Saaray Go’aanka Gudida Dhex-Dhexaadinta
December 21, 2019 - Written by Berbera TodayWar-saxaafadeed: Waxaanu ugu baaqaynaa Baarlamaanka inaanu xagal daacin heshiiska Ururada Madaxa-banaan ee Bulshada Rayidka ah (ISCO Somaliland) waxaay si buuxda u taageersan yihiin go’aanka ay gudida dhex-dhexaadintu gaadheen, kuwaas oo soo jeediyay talooyin lagu maaraynayo khilaafka ku aadan Gudida Doorashooyinka Somaliland. Waanu uga mahad-celinaynaa gudida dadaalka iyo ka go’naanshaha ay la yimaadeen. Waxaannu ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyso oo dhan inay u fuliyaan go’aanka si niyadsami ah oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo majo-xaabin kara fulinta heshiiska. Waxaanu soo dhowaynaynaa in xisbiyada siyaasadeed aqbaleen go’aanka. Waxaanu walaac ka qabnaa hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka. Hadii Labada Gole ee Baaarlamaanku ay qaadaan talaabo ay ku majo-xaabinayaan fulinta go’aanka la isla qaatay, waxaanu ku baaqaynaa in gudaha iyo debeddaba looga aqoonsado inay yihiin xagal-daaciyayaal (spoilers) oo laga qaado talaabooyin sharci oo ku haboon. Shacabka Somaliland waxaay mudo dheer sugayeen inay wax doortaan. Doorashada Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanadu waa inay dhacdo sanadka 2020. Ururada Is-bahaysiga ku midoobay ee war-saxaafadeedka soo saaray waa:
Contact
Mobile: +252 63 4329950 Email:iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomliland Website:iscosomaliland.org COMMENTS
|
||||
|