Xukuumadda Somaliland Qabatay Koontiinar Daawo Dhacday Ah Oo Uu Nin Ajaanib Ahi Dalka Soo Gelinaayay
December 24, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay istaageen dawooyinkii ka iman jiray Muqdisho ee Somaliland ka soo gali jiray dhanka madaarka, kadib markii ay xukuumadu ku bilowday baadhis adag.
Waxa uu gudoomiyahu sheegay inay qabteen koonteendhar daawo dhacday oo madaarka laga soo galinayay dalka, sida oo kalena ay dabagal joogto ah ku hayaan warshadaha dalka iyo alaabtooda sidii ay u noqon lahayd mid tayo leh, waxaanu sidan ka sheegay kulan ay ugu yeedheen gudida joogtada ee golaha guurtida” Waxa jiri jirtay dawooyin badan oo Muqdisho ka iman jiray iyaga oo guraan gur ah ama aan wax dhukumenti ah aan wadan 90% dawooyinkaasi waa ay istaageen waliba madaarka ayay ka soo gali jireen, waxa kale oo aan awooda saarnay ilaalinta tayada