Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Oo Ka Hadley Xad Gudubyo Ay Madbacadaha Somaliland Ku Sameeyaan Kibtaabyada Quraanka Kariimka Ah
May 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland Md Da’ud Axmed Faarax, ayaa sheegay inuu qishka imtixaanaadka shahaadiga ahi heerkii ugu sarraysay marayo gebi ahaanba Somaliland, waxana uu tilmaamay in dagaal lagu qaadi doono sidii sanadkan loo yarayn lahaa caadadan oo ardayda kusoo badanaysa.
Guddoomiye Daa’uud oo la hadlayey ardayda sanadkan ka baxaysa dugsiga saree e Faarax Oomaar, ayaa qishka caadada u noqday ardayda si gaar ah ugu eedeeyey masuuliyiinta goobaha wax lagu daabaco, kuwaas oo uu sheegay inay xataa ku xad-gudbeen aayaadka qur’aanka eek u sugan kitaabka EEBE, “Nimanka madbacadaha haysta waxa ay diyaariyeen oo ay meel dhigeen tobankii maaddo ee la dhigayey iyagoo googo’an macal kitaabkii ayey meel dhigeen si ay ardayda uga iibiyaan.” Ayuu yidhi guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax.