Madaxweyne Muuse Biixi Oo Caawa Kormeer Kedis Ah Ku Tegay Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa Iyo Waxa Uu Kala Kulmay! H
December 25, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa Kormeer kedis ah ku tegay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisan ku booqday Bukaanada jiifa Cusbitaalka oo uu ku booqday waadhadhka, waxaana kormeerka ku wehelinayey Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif, Ergeyga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse.