Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah ha u naxariistee hoobalkii caanka ahaa ee Axmedeey Abuukar Al-Camaari oo Soomaalidu fankiisa iyo shakhsiyadiisa labadaba aad u jeclayd.
Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacaday waxa uu Axmedeey Abuukar u qaxay dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa.
Markii dambe waxa uu joojiyey hawlihii fanka ama hadii sida dadka badankiisu u yidhaahdaan loo dhigo waxa uu ka baxay fankii oo waxa uu mu’adin ka noqday masaajid.
Shaqada mu’adinnimadu kuma cusbayn Axmedeey, waxaana sidaa xaqiijiyey hoobalka Maxamed Xasan Barrow oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen kana wada tirsanaan jireen kooxdii Hobollada Waaberi.