Markab Sida Daqiiqn Xumaatay Oo Dekeda Berbera Dib Looga Celiyay
December 28, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Xafiiska Hay’adda Dhawrista Tayada Badecadaha Somaliland Ee Gobolka Saaxil iyo Laamaha Dawlada ee ay wadda Shaqaynta leeyihiin ayaa Dib u Celiyey Markab Siday Daqiiq Xumaatay oo laga keenay dalka Masar,
Daqiiqda Markabku siaday ayaa dhameyd 1489bagsx25kg.
Markabka Siday Daqiiqda Xumaatay ayaa dib loogu celiyey, 25-12-2019-ka, ka dib markii Baadhis buuxda lagu sameeyey Daqiiq-daasi, Isla markaasina ay u Cadaatay Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyada Somaliland Iyo Laamaha Dawlada ee ay wadda shaqaynta leeyihiin, in aan Daqiiqdaas Dalka lagu sii dayn karin lana soo galin kari maadama oo ay dhamaanteed Xumaatay oo qudhuntay sida sawiradan idiinka Muuqata.