Madaxweyne Muuse Biixi Oo Deegaanka Garabis Kaga Qeybgalay Munaasibad Lagu Daahfuray Ururka Geel Dhaqatada Somaliland Uu Kamid Yahay
January 3, 2020 - Written by Berbera Today
Garabis(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirada Somaliland ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu daah-furayey ururka geelayaasha Somaliland oo lagu qabtay Garabis oo ka mida degaanka fara-weyne oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex.
